8 Duco ugu wanaagsan inaad samayso maalin kasta uguna
abaalmarin badan xagga rabbi sw
1. Ducada marka hurdada la seexanayo.
"اللهم
قني عدابك يوم تمعث عبادك "
Rabbiyoow iga badbaadi
cadaabkaaga maalinta aad soo saarayso adoomadaada.
Ducadani waxa ay
muhiim ugu tahay marka aad seexanayso inaad xasuusanthay aakhiro iyo nolosha danbe.
2. Ducada marka hurdada laga soo kaco
"الحمج الله الدي احياني بعدما اماتني و اليه النشور"
Waxaa mahadleeh Allihii isoo kiciyey inaan dhintay kadib xaggiisa uun baa loo noqon doonaa.
Ducadani waxaad ka faa;iidaysaa inay kaa furanto guntin ka mid aguntimihii uu shaydaan kugu xidhay markii aad seexatay.
3. Ducada waysada ka dib
"اشهد ان لا اله الله ز واشهد ان محمد عبده ر سول الله"
Waxaan qirayaa inaan rabbi kale oo xaq lagu caabudaa jirin ilaa alle mooye, waxaa qirayaa inuu nebi muhamedna scw yahay adoonkii rabbi iyo rasuulkiisii.
Ducadani waxaad ka faa'iidaysaa inay kaa furanto guntii labaad ee shaydaanku habeenkii kugu xidhay, markaasi waxaa muhiim ah inaad ku dedaasho Insha Allah.
Sidookale ducadani waxaa lagu fadli ah in maalinta qiyaame laga yeedho sideed allaab ee janada.
4.Ducada marka guriga laga baxayo
"بسم الله, توكلت علي الله و لا حزل زلا قزت الي بالله "
Waxaan ku baxayaa magaca Eebe, waxaan talo saartay rabbi sw ma lihi xeelad iyo awood aan isaga celiyo xumaanta iyo cadawga.
Ducadni waxaa ay muhiim u tahay inaad hesho ilaalo xagga rabbi ah taasi oo rabbi sw ku soo dirayo maa'ig ku ilaalisa ilaa inta aad ka dhamaysanayso muraadkaga, sidookale rabbi waxaa kuu fududaynayaa waxyabaha aad hami leedahay oo dhan in lagu qabto yacnihii lagu fududeeyo Insha Allah.
5. Ducadada marka la joogo ataxiyaadka danbe fadhigiisa
"اللهم ظلمت نفسي ظلما كثيرأ و لا يغفر الدنوب الي انت فغفرلي مغفرة من عندك وار حمني انك انت الغفور الرحيم"
Rabbiyoow waxaan dulmiyey naftaydii dulmi fara badan ma dhaafo danbiga ilaa adiga mooyee, ii dhaaf danbi dhaf agtaada ah ii naxariiso adigu waxaa tahay danbi dhaafe naxariis badan.
Ducadani waxay sheegaysaa inaad tahay adoon dhab ah oo qiranaya danbigiisa rabbina sw waaa uu kuu dhaafi hadii aad qirato danbigaaga inta uu doono ha leekaado, kuna dadaal inaad barato hadii aanad garanaynin ducadan waxay ku taalaa kitaabka "Xisnu Muslim"
6.Ducada salaada kadib mida ugu muhiimsan
"ٱللَّهُ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلْحَىُّ ٱلْقَيُّومُ ۚ لَا تَأْخُذُهُۥ سِنَةٌۭ وَلَا نَوْمٌۭ ۚ لَّهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۗ مَن ذَا ٱلَّذِى يَشْفَعُ عِندَهُۥٓ إِلَّا بِإِذْنِهِۦ ۚ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ ۖ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَىْءٍۢ مِّنْ عِلْمِهِۦٓ إِلَّا بِمَا شَآءَ ۚ وَسِعَ كُرْسِيُّهُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ ۖ وَلَا يَـُٔودُهُۥ حِفْظُهُمَا ۚ وَهُوَ ٱلْعَلِىُّ ٱلْعَظِيمُ"
Hadii aad akhrisato aayadan markii aad ka baxdo salaada gaar ahana salaadaha faralka ah waxaa janada ka xigta inta dhimanyso kaliya, walaalkay/walaashay ku dadaal ducadan inaad barato kuna dhaqanto run ahaantii waa nimcad rabbi sw ina siiyey.
7.Ducada marka suuqa la galayo la akhristo
"لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد يحي ويميت وهو حي لا يموت، بيده الخير وهو
على كل شيء قدير"
Ma jiro ilaah xaq lagu caabudo ilaa Allah mooyee, kaligii ahaa aanu wax lal wadaajiyo, mulki-ga lahaa, iyo mahad oo dhan ba lahaa, wax noolaynayey waxna dilayey, allihii noolaa aana dhimanynin, gacantiisu khayrka badnayd allena waa allaha shaykasta kara.
Ducadani waxaa laga helaa inuu rabbi sw fadligiisa kugu siiyo ajar ah hal milyan oo wanaag ah, sidookle in lagaa tiro hal milyan oo xumaan ah gurina lagaaga dhiso jannada, run ahaantii wl ducani waa muhiim dadkuna badan kodu ma yaqaanan hadaba adiga gaadhsii, nebiguna scw waxaa uu yidhii qofka qof wanaag u sheega waxaa uu leeyahay ajarka uu leeyahay wanaaga uu sameeyey qofkaasi mid la mid ah.
8. Ducada hadii shay kugu adkaado ama aad hayso shaqo culus la akhristo
"اللهم لا سهل الي ما جعلته سهل و انت تجعل حسن ادا شئت سهل "
Rabbiyoow wax sahlani ma jiro ilaa wax aad adigu sahashay mooyee, ka yeel arimahayga kuwo wanaagsan Insha Allah.
Ducadani wll waxay kaa caawinaysaa inuu rabbi sw kuu fududeeyo hawlahaaga Insha Allah sida ugu wanaagsana aad u qabato ku dadaal wl inaad barato ducadan iyo kuwo la mid ah si hawluhu kugu fududaadaan Insha Allah.
Waad ku mahadsantahay akhrinta qormahdan la wadaag asxaaptaada si aan ajar badan u helno adiga iyo aniguba Insha Allah.
No comments:
Post a Comment