Website-kan waxaan ugu talogalay inaan kor aqoonta nafaqada iyo inaan la jaanqaadno technology-ga ka faa'iidaysi wacan Insha Allah.

Casharo cusub

https://maxamedmahdi.blogspot.com/

 War bixin muhiim ah oo ku saabsan Barnaamijka Canva 

Canva waa shirkad ka shaqaysa Social media graphics iyo Presentations, waa shirkad laga leeyahay dalka Australia,

Shirkadani waxaa la aasaasay Jun 28 2012 kaasi oo looga dan lahaa in dadku iayagoo isticmaalaya internet ay graphics iyo waxyaabaha la xidhiidha samayn karaan kaasi oo dadka maanta aduunka jooga ay u adeegsadaan inay lacag ka sameeyaan iyagoo isticmaalaya waxa loo yqaano "Freelencer"

Freelencar ku waxaa weeye inaad shaqo qabato adiga oo jooga gurigaaga ama goobtaada shaqada taasi oo aad ku samanayso online adigoo isticmaaalaya websites caanka ah ee Fivver, upwork iyo qaar kale badan.

Hadaba waxaad i waydiinaysaa maxaan qabanayaa markii aan canva inaan lacag ka sameeyo rabbo kaliya waxaa muhiim ah inaad taqaano xirfado ugu yaraan hal xirfad taasi oo aad ku soo bandhigayso websites adiga oo shaqadana ku qabanaya barnaamijka Canva.

Canva waa goob lagu kala gato waxyaabo badan sida graphic design, social media posts iyo kuwo kale oo badan taasi oo leh laba hab habka koobaad waa inaan si free ah aad adigu ku dhex samaysato design-kaaga habka labaadna waa inaad lacag bixiso kadib aay iyagu design ay diyaariyeen aad isticmaasho run ahaantii lkn kaliya mida free ah ayaaba kugu filan inta aad lacag helaysid.

Canva waxaa laga maamulaa magaalada loo yqaaano Sdyne, Australia oo ah magaalo ku taala dalka Autralia, hadaba barmaamijkan waxaa uu muhiim u yahay inuu kor qaado ganacsigaaga iyo nafsadaada labadaba run ahaantii hadii aad sida ugu wanaagsan uga faaiidaysatid Insha Allah.

Canva waxyaabaha ad ka helayso waxaa ka mid inaad ku samaysato social media posts, facebook cover, video creation iyo qaar kale oo badan run ahaantii aan maanta dhan qor idhaahdo ma koobi karo waxyaabaha ku jira barnaamijkan Canva, waxaan kugula talinayaa inaad soo baratid xirfad aad kaga shaqaysan karto barnaamihjkan waa mid ku anfici doona Insha Allah.

Waxaad is waydiinaysaa sidee macquul u tahay aniga oo jooga gurigayga inan lacag shaqeeyo 

Aniga kaa jaahil saaraya midaasi kaliya adiga ii ogolow inaad akhrido qormadan,

Run ahantii markii aad rabto inaad lacag ka samayso barnaamijka Canva waxaa muhiim ah inaad leedahay xirfadahan qaarkood sida Grahic and Design, Video Editing, Social media manager iyo qaar kale oo badan, Tusaale waxaa tahay Graphic designer waxaad doonaysaa inaad lacag ka samayso Canva hadaba adiga waxaa lagaa rabaa inaad sisticmaasho wixii loo yaqaanay "Freeleancer" 

kaasi oo kuu fududaynaya wixii aad ku samaysay canva inaad ku soo bandhigto websites kii aan hore ugu sheegay, halkaasna aad ka heli doontid macmiil kaasoo dalbada design ka aad samaysay sidaasina aad ku hesho lacagtii, 

Hadaba lacagtani ka qaadanayso website ka aad wax ku soo bandhigtay waxaay kugu soo gaadhaysa hadii aad leedahay Bank Account kaasi oo ay muhiim atahay inaad leedahay account ah Paypal, paypal waa xawaalad ka shaqaysa inay lacagaha dadka u kala qaado sidaas darteed dalkeena kama shaqayso 

Runtii waxaa muhiim ah inaad isoo sameeyo dhahdid qof aad qaraabo tihiin islamarkaasna ad ku kalsoonthy aadna ku dhahdid isoo sameeyee PAYPAL ACCOUNT kadiba aad ku xidhatid kaagii Somalia halkaasna aad ka heshid lacagtaadii oo nadiif ah.

Run ahantii waxa khalkahashay waxan an ka hadlayno kaliya waxa weeyi sidii adiga oo gurigaga jooga sidaad u abuuri lahayd ganacsi online ah Insha Allah, ujeedada aan ka leeyahy waxay tahy inaan ku tuso fursada ku jirto barnaamijka Canva.

Waxaan hore kugu inuu Canva kaa caawinayo kor u qaadista ganacsigaaga, ogow sidookale waxaa uu kor u qaadi karaa nafsadaada taasi oo aaad ku horumarsan karto noloshaada waxaa ka mid ah inaad ku smaysato presentations iyo waxyaabo badan oo kale kuwaasi oo aad adiga muhiim kugu ah.

Canva waa barnaamij aad ugu faa;iideeyey dhaman dhalinyarada joog adduunyada dafaheeda inay  soo bandhigaan xifadooda iaygoo kashanaya Canva, halkaasi oo ay dhaqale ka sameyeen run ahaantii.

Canva waxaa aad muhiim u yahay dhalinyarada leh xirfadaha video editing iyo Graphic design, kuwaasi ookaga raysanaya inay resource badan u raadsadaan projects-kooda isla markaana ka helaya isla Canva dhexdeeda, tusaale waxaad u baahantahy inad samayso youtube thumbnail waxkasta oo ku baxaya design-kaasi waa ku jiraa Canva.

Canva waxaa shaqaale ka ah sanadkan aan ku jirno 2023 3,500 oo shaqaqle ah kuwaasi oo shaqo kala duwan ka haya Canva dhexdeeda inoona suurogaliya inuu ina soo gaadho barnaamijkan aad ka u muhiim ka ah, taasi waxay cadaynaysaa inuu canva yhay barnaamij ugu balaadhan ee la adeegsada inta lagu dhex jiro internet ka inta ugu badan maalin kasta kaliya somali maaha dhamaan aduunyada oo dhan.

Dadka isticmaala Canva waxay gaadhayaan 130 million bil kasta  kuwwasi oo sanad kasta ku soo biiraan 100 million in ka badan, sandkii tagay ee 2022 waxaa ku soo biiray 10 million oo users ah, tani waxay inoo cadaysnaysaa inay aad u badan thay fursada ku duugan barnaamijkan Canva.

Ugu danbayn Canva waxaad kala soo degi kartaa Google play ama App store, hadii kale kaliya waxaad ka isticmaali kartaa computer kaaga, markii aad rabto inaad canva iska diwaangaliso kaliya waaad ku xidhaysaa gmail kaaga kaasi oo kuu sahlaya inaad si fudud ku isticmaasho barnaamijka Canva.



No comments:

Post a Comment

Mohamed Mahdi

https://maxamedmahdi.blogspot.com/
| Designed by Colorlib