Learn Skills (Baro Xirfado Cusub) 2023
1. Xirfadda qoraalka (Writing)
Marka laga hadlayo xirfadaha qoraalka, waxa ugu horreeya ee maskaxdaada ku soo dhacaya waa qorista sheekooyinka ama qorista buugaagta, iwm. Laakiin goobta wax-qorista ayaa aad uga qoto dheer oo ka ballaaran! Wax-qoriddu waxay ku jirtaa inta badan hawl-maalmeedka aan samayno, hadday tahay goobta shaqada, marka aad qoraal ku qorayso Facebook,iyo meelaha kaleba
Quruxda ku jirta xirfadda qoraalka ayaa ah in dhammaanteen ama badankeen aan awood u leenahay in aan si uun ama si kalaba wax u qori karno, balse tan ugu quruxda badan ayaa ah in aan ku dadaalno horumarinta iyo kobcinta xirfadda qoraalkeena, taas oo naga caawinaysa in aan wanaajino xidhiidhka iyo isgaarsiinta dhinac kasta oo nolosha ah, sidookale ay fursado kuu furto kuwaasi oo door muhiim ah ka qaadanaya horumarinta noloshaada.
2. Xirfadda ku hadalka afka Ingiliish-ka (English Language Skill)
Dunidu waxa ay noqotay sida buug aad si sahal ah u dhex mari karto oo aad boggiisa u rogi-rogi karto. agabka ugu muhiimsan ee aad cugsan karto inta lagu jiro safarkaaga waa xirfadda ku hadalka luuqad ama luqado qalaad. Marka dadku wada xidhiidhi karaan oo ay isfahmi karaan, waxaa meesha ka baxaya caqabadaha qaran ee la abuuray.
Barashada luuqad qalaad ama luqado cusub waxay furaysaa fursado badan oo kala duwan sida: fursadaha shaqo. Intaa waxaa dheer, cilmi-baaristu waxay tilmaamaysaa in xirfadda barashada luqadda labaad ay kobciso maskaxdaada iyo hab fikirkaaga.
Sidookale xirfada barashada luuqada English-ku waxay kuu furaysaa inaad maanta wax kasta qaban karto adiga oo aan meelkaleba tagin oo iska jooga gurigaaga, kaliya waxaad ka baran karta meelkasta sida Youtube ka.
3. Xirfadda naqshadaynta (Design)
4. Xirfadda Soo bandhigida (Presentations)
5. Xirfadda iibka (Sales)
Haddii aad dhan ka eegto naqshadeynta, waxaad ogaan doontaa in naqshadaynta nagu hareeraysan yihiin. haddii ay tahay mid la faahfaahiyay, iyo hadii kaleba, waxay saameyn kartaa doorashada iyo go’aamada aan sameyno. Tusaale ahaan baraha bulshada ee aad maalin walba isticmaasho waxa nashqadeeyay koox dad ah, mareegta aad akhrinayso wakhtigan qof baa nashqadeeyay, xataa muraayadaha aad ka daawanayso ama kursiga aad ku fadhido dad baa naqshadeeyey!
Xirfada naqshadayntu waa mida ugu wanaagsan wakhtigan hada la joogo waxaana aad u muhiim ah inaad barato, waxaad ka baran kartaa adiga oo jooga gurigaaga, sidookle xirfadani kaliya laguma sameeyo computer waxaad ku samayn kartaa adiga lasoo degayda barnaamijkii aan hore uga soo hadalnnay ee loo yaqaanay "Pixellap"
Eegmada hore, waxay u muuqan kartaa in bandhig qurux badan lagu gaari karo iyada oo la sameeyo soo jiidasho leh Powerpoint. Laakiin soo jeedintu intaas way dhaafsiisan tahay, waxayna la xidhiidhaa hadal, mala-awaal iyo muujinta isku-dhafka.
Xirfadaha soo bandhigidu waxay khuseeyaan dhinacyo badan oo nolosha ah, hadday tahay shaqadaada ama xaalad kasta oo kale oo lagaa codsanayo inaad wax soo bandhigto. Bal qiyaas adiga oo khudbad u jeedinaya koox dad ah? Waxaad awood u yeelan doontaa inaad dareenkooda soo jeediso inta bandhiggu socdo.
Waxay u ekaan kartaa inay la xidhiidho iibinta badeecad ama alaab. Laakiin dhab ahaantii, iibintu waxay ku jirtaa dhammaan dhinacyada nolosheena!
Barashada xirfadaha iibka waxay ku xidhan tahay horumarinta khibradaada dhinacyo badan oo nolosha ah, sida isgaadhsiinta, akhrinta, fahamka iyo qancinta dadka kale, iyo sidoo kale muujinta xirfadaha bandhigga.
6. Xirfadda Soo Saarista Muuqaalada (Video Production)
Shaki kuma jiro in wax-soo-saarka iyo tafatirka muuqaalku ay ka mid yihiin 10-ka xirfadood ee ugu sarreeya ee aad adigu iskaa u baran karto. Duubista muuqaalada maaha wax nagu cusub, laakiin xirfaddani waxay ku jirtaa adeegsiga barnaamijyo gaar ah si loo tafatiro muuqaalada la duubay si looga dhigo kuwo soo jiidasho leh.
Sidookle xirfani waa mid aadd ku samayn karto Mobile-kaaga barnaamijyada ay ka mid yihiin VN-video editing oon hore usoo website-kkeena.
No comments:
Post a Comment