Samayso website free ah
Waxaan halkan ku soo gudbinayaa sida loo samaysto website free waxkastana ad soo dhigi karto kaasi oo weliba aad ka samayn karto lacag kaliya qoraal aad qortay oo kaliya.
Hadaba waxaa habka loo sameeyo website-kan "Blogger" kaasi oo iska diwan galinaso marka hore shirkada Google, waxaana muhiim ah inaad leedahay waxa looo yaqaano "Gmail" kaasi oo kaa caawinaya wax kasta oo aad uga bahanto shairkada Google inaqad si fudud ku hesho.
Ugu horayn waxaa Google search-ka aad ku qoraysaa "Blogger" kadibna waxaa ku dhufanaysaa link-ga ugu horeeya ee ku soo baxa ama meeshay ku qoraqn tahay "https://www.blogger.com" kadib halkaasi waxaad galinaysa Gmail-kaag caadiga ee aad ku isticmaasho Google.
Barnaamijkan waa mid aad u muhiim run ahaantii waxyabo badana waa laga faa'iidaa waxyaabaha aad ku soo bandhigi kartid waxaa kamida aqoon (Diini iyo maadi labdaba), wararka, ciyaaraha iyo waxyaabo kale oo aad adigu xiisayso.
Waxaad is waydiinaysaa waa maxay Blogger?
Blogger waa qayb ka mida shirkada caanka ah ee Google oo laga leeyahay dalka Maraykanka (USA), waxaana la aasaasay 1999 kaasi oo ujeedada laga lahaana ay hayn in dadku wax ka faa'iidaan sharkaduna lacag ka hesho iyadan alaga helo.
Blogger waa website free ah kaasi oo aad wax kasta oo arabto ku soo gudbin karto waxaad ku anfacysaa noloshaada wayo waxyaabo badan ayaa ka faa'iidaysaa run ahaantii website kan xitaa marka ad rabto inaad kusoo biirto waax lacag ah lgaama qaadayo, sidookale wax shuruud ah laguma xidhayo kaliya waa inaad leedahay Gmail aad ku xidhato.
Blogger waa website dhalinyaro badan fursado siiyey sida inay xirfadoda dadka kale uga faa'iideyaan oo kale, runtii markii aan aniga maqlay website waan aqbali waayey inuu jiroba is markii aan fahmay ayaa damcay inaan adigana kula wadaago website-kan inuu jiro.
Hadaba waxaa muhiim ah inaad fahanto qaabka lacagta looga sameyo waxaan fahansiinayaa meel gaaban, marka hore sidii aan horeba kugu sheegay waa iaaad leedahay Gmail kaasi oo mar kasta kaa cawinaya inaad si isaga diwaangaliso shirkada Google.
Hadaba waxaad u baahnathy inaad iska diwaangaliso Google Adsense, aan ku fahansiiyo waxaa uu yahay Google Adsense waa shirkada google qayb kamida taasi oo ku shaqo leh inay bixiso lacagaha laga shaqeeyo websiteska , Youtube iyo wixii la mmid ah.
Marka aad soo gasho blogg-gaagii aad diyaarsatay waxaad tagaysaa meesha ay ku qoran tahay "Earnings" kadib halkaasi ayaad kaga xidhaysaa Gmail-kaaga Google Adsense sidaasi ayaad ku helaysaa lacagtii aad ka shaqaysatay blogg-gaaga.
Waxaad is waysiinaysaa siday macquul ku tahay inaan aniga gurigayga jooga inaan lacag shaqaysto hadana waxaan kuu shegaya aduunya-dan aan maanta joogno waxaa inta ugu badan lagu wada xidhiidhaa technology-ga sidaasi si la mid ah waxaa wax lagu iibsadaa habka fudud ee loo yaqaano "Online".
adiguna sidaasi oo kale waxaad soo bandhigaysa qoraalo kuwasi oo ay dadku akhristaan kaasi oo aad ku soo banndhigayso website-kaga Blogger, adigana waxaa lacagta ku siinaya shirkada aad wada taqaanaan ee Google.
Ugu danbayn waxaan hoosta kuu dhigi magacyo badan oo ka mida dhalinyarada soomaliyeed ee aad uga hadla waxyabahan aan ka hadlayno waxaana ka mida "Eng Abdishakur Hussien Mohamed, Gelle Bashir, iyo qaar kale oo badan, kka raadi Youtube, facebook. innstagram iyo sicail media kale la isugu yimaado.
Mahadsanid!!!!
No comments:
Post a Comment